Qisada Nabi Adam Caleyhi Asallam

Share

Khadra  Abdi

Ilaah wuxuu abuuray waxyaabo kale oo badan intaan binii’adanka la abuurin. Waxaa ka mid ah waxyaabahaas  uu Ilahay abuuray maalmaha kala duwan, ciida oo la abuuray maalin Sabti ah, geedaha oo la abuuray maalin isniin ah, buurah oo la abuuray maalin Axad ah,  cudurada oo la abuuray maalin Talaado ah, nuurka oo la bauuray maalin Arbaca ah, iyo Khamiis oo la abuuray  waxyaabaha kheyraadka ah. Intaas kadib Ilaahey waxuu abuuray nabi Adam (scw) maalin Jimca  ah  salaat casir kadib. Allaah subxaana watacaala malakul jibriil ayuu samada ka soo diray kuna yidhi dhulka iiga keen caro si nabi Adam loo sameeyo.  Jibriil sidii ayuu sameeyey Illaah nabi Adam  ayuu abuuray waxuuna  ku dhax abuuray janada, waxaana  laka abuuray ama laka sameeyey nabi Adam ciid ama caro medebkeedu kala duwanyah. Nabi  Adam,  afartan habeen ayuu dhoobo ahaa, markii lasameeyay kadib. Afartan cisha kadib naf ayaa Illah ku afuufay nabi Adam , waxayna ruuxdu ka gashey qaarka hore. Isla markii nafta la geliyey wuu hindhisay  Ilaahne waa  u duceeyey.  Nabi Adam cunitaan ayuu kubilaabay mirihii janada ku yiilay isaga oo qaarka danbe wali meyd  ka  ah.

Janada waxaa ku noolaanjirey malaa’ikta iyo ibliis oo qof wanaagsan ahaa markaas. Ibliis nabi Adam ka hor ayaa la abuuray janada ayuuna kunoolaan jirey. Intaas kadib markii nabi Adam(scw)la abuur dhammeeyey, Ilaah wuxuu amrey malaa’iktii  iyo ibliis in ay usujuudaan nabi Adam. Malaa’ktii wey u sujudeen nabdi Adam laakin ibliis wuu diiday in uu usujuudo nabiga  asag oo iska kibriyay iskalane weyn amarka Ebe iyo nabigaba. Ibliis wuxuu dhahay isaga oo iskibrinaya uma sujudayo wax ama qof laga sammeyey carro maxaa yeeley ani waxaa la iga sammeeyey naar ama holac waana run oo ibliis waxaa Ebe ka abuuray naar laakin amarka Ebe wuu diidey in uu raaco. Ibliis maalinba maalinta kadanbeyso  naceeb ayuu u qaaday iyo cuqdada asag oo layaaban ujeedad lo abuuray nabi Adm (acw). Markii ibliis diidey Alle amarkiisa, janada ayaa laga ceyriyey ayada oo naxariis iyo raxmad Ebe laga fogeeyey. Dambikaas oo ahaa dambigii  uku weynaa oo Illaah laga galo.

Nabi Adam janada ayuu iska dhax joogi  jirey, markaas cidlo ayuu dareemay  janada dhaxdeeda. Illaah wuxuu u abuuray Xaawo oo laga abuuray nabi Adam feedhiisa  si ay wehel  iyo xaasba ugu noqoto. Illaah (sbxw) wuxuu ku yidhi Adam iyo Xaawo dega janad dhaxdeeda kana cuna meeshaad doontaan illaa geed laka xarrimay mooyee.  Ibliis markii janada laga ceeriyey  kuma herin intaas kamana quusan ee wuxuu isku diyaa riyay maalin kasta sidii uu nabi Adam iyo Xaawo uga saari lahaa janada. Albaab kasta oo janada malaa’ikta ayaa waardiyo ka aheyd si ibliis janada uusan u gelin. Ibliiis maalinkasta wuxuu u tagijiray xayaanada oo markaas hadli jiray wuxuuna ku dhihi jiray janada igeliya ,  maalin maalmaha kamid ah waxaa ibliis ku soo qaday ilkaha abeyso soona galisay janada. Meeshaas wuxuu ka helay fursad , isla markiina wuxuu ku degdegey sidii uu nabi Adam u waswaasin lahaa ugana saari la haa janada. Ibliis wuxuu kulataliyey nabi Adam in uu cuno geedkii Alle ka reebay ama ka xarrimay kuna caasiyo Illaahiisa. Nabi Adam wuu ka diiday waxii ibliis usoo bandhigay iyo in uu kucaasiyo rabikiis. Ibliis wuu ka quustay nabi Adam kuman guuleysan in uu cunsiiyo geedkii, laakiin ibliis wuxuu u degdegey Xaawo kuna waaniyey in ay cunto geedka. Ibliis wuxuu ku dhahay Xaawo iyo Adam in uuna Illaahay ka reebin geedka illaa in uu unacaayo inay noqdaan labo malak oo waaro. Xaawo geedkii  eyey goosatay  kadibna cuntey madaama ibliis sifiican ugu sharaxay macaankiisa,  Xaawo markey cuntey geedkii waxey  ku qasabtey ineey cunsiiso nabi Adam , laakin wuu kadiidey in uu caasiyo Illaah. Xaawo  waxey ku dhahdey nabi Adam imasoo gashid ilaa aad soo cuntid geedka  akteydane ka fogow .  Nabi adam murugo ayuu dareemey markey Xaawo lahadli diidey taasine waxey ku qasabtey in uu cuno geedkii Ilaah kaxarrimey. Intaas kadib Xaawo iyo Adam waxey ogaadeen in ay caasiyeen Ilaah,  Xaawo iyo Adam janada ayaa laka soo saarey maadama ay caasiyeen Ilaahay. Illaah wuxuu ku dhahey Xaawo iyo Adam u hoobta dhulka nolol ayaa idinku sugnaatey in muddo ah.

Xaawo iyo Adam waxaa laka soo kala tuuray mako iyo india, Xaawo india nabi Adamne Mako, meeshaas  ayey isku waayeen , nabi Adam Xaawo ayuu radiyey kadibne Ilaah ayaa is haleeshiyey kadibne waxey aadeen mako. Halkaas Adam iyo  Xaawo nonol ayey kabilaabeen  iyo sidii ay ugu dhaqmilahayeen dhulka korkiisa. Xaawo waxey  dhashey afartan carruur oo mataano ah (40) waxeyna  uureysatay (20) jeer. Waxaa kamid ahaa carruurta laba wiil oo lakale dhaho Qabil iyo Habil.  Sharciga markaas jiray wax uu ahaa in uu nabi Adam u guuriyo mataanka hore  mataanta danbe, waxaa xaraan ka ahayd in ay labo mataana ah is guursadaan.  Qabil  wuxuu diidey in uu gursado gabadhii guur ugu aadaneyd wuxuuna  dhahay waxaa kaliya oon guusan mataanteyda  laakiin gabadhaas xalaal uma aheyn. Meshaas waxaa ka dhashey caasinimo kale oo Qabil wuxuu ku caasiyey Ilaah iyo aabihiis nabi Adam (scw). Illaah wuxuu amrey Qabil iyo Habil in ay sadaqo labaxaan, qofkii la aqbalo sadaqadiis ayaana guursan gabadha. Habil wuxuu ahaa qof wanaagsan wuxuuna sadaqesytey waxii ugu wanaagsanaa  xoolihiisa madaama uu ahaa nin xoolaaley ah, laakin Qabill oo ahaa nin beeraaley ah  wuxuu bixiyey  waxii ugu xumaa beertiisa. Illaah wuxuu aqbalay sadaqdii Habil madaama uu ahaa qof kheyr qaba. Qabil intaas kadib wuu xanaaqey , sheydaan ayaana  ka qaalib noqday wuxuuna go’aan ku qaatey in uu dilo walaalkiis Habil, kadibne dhagax ayuu ku diley. Meeshaas Qabil dambi weyn ayuu xambaarey, qofk kasta oo maanta ladilo Qabil dambika qofkaas  badh ayuu ku leeyahay, maxaa yeeley wuxuu ahaa Qabil qofkii qof dilo ugu horeeyey aduunka. Nabi Adam wuxuu  noolaa kun sano ,  kun sano kadibne Ilaah ayaa oofosaday. Nabi Adam  (scw) malaa’ikta ayaa dhaqdey oo kafantey.

Maxaan kafaa’idi karnaa Qisada Nabi Adam?

Waxaan ka qaadan karnaa qisadaan kibirka oo sheydaan ku kibrey  Ilaahii abuuray, hadana ku caasiyey oo diidey amarkiisa, ibliis intaas oo dhan wuxuu u suubiyeye kibir, isla weyni  iyo xaasidnimo. Xaasidnimadu waa wax xun , xaasidnimadu qofka naar bay galin kartaa camalkiisana way baabi’in kartaa, waxyna keeni kartaa in uusan Ebe aqbalin. Sidaa darteed  inaan qalbigeena ka ilaalino xiqdiga iyo waxa camalkeena lagu aqbalin. Iska ilaali Waligaa in aad xasadid qof bani aadam ah.

Share

One Response to “Qisada Nabi Adam Caleyhi Asallam”

  1. maasha allah aniga wax badan ayan ka fa iday inloeen maanta iskuulka ayaa gaalada wax yabo badan naga weydiyeen oo ad adag aniga meesha galiya ee aan uga jawabay wa halkan maasha allah ajar allah ka siiyo qof kasta oo ka qeeb qaatay soo saaris ama qorida all waa mahadsan tihiin

Leave a Reply